Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Puntland oo kulan ka yeelatay xaalada dadkii laga soo barakiciyay Laascaanood (Sawirro)

 Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta kulan la qaatay xubno ka mid ah Golaha Wasiirada, wuxuuna Madaxweyne Ku-xigeenku ka dhegaystay warbixin ku saabsan dadkii lagasoo barakiciyey magaalada Laascaanood.
 
Kulanka waxaa kasoo baxay in xubno ka mid ah Golaha Wasiirada ee ku shaqo leh ee Arrimaha Gudaha, Amniga, Caafimaadka, Qorsheynta iyo Haweenka in ay u kuurgalaan xaaladda dadkaasi booqdaan goobaha lagu soo dhoweeyay.
 
Maamul goboleedka Puntland ayaa soo dhoweysay ku dhowaad 2000 oo qof, oo ay ku jiraan caruur iyo Haween kuwaasi oo lagasoo barakiceyey Laascaanood ee gobolka Sool soona gaaray deegaano katirsan gobolka Sool.
Madaxweyne Ku-Xigeenka  Puntland ayaa faray Wasiirada ku shaqo iyo hay’addaha kale ee dowladda in dadkaasi si dhow looga warhayo xaaladooda, loo gargaaro , waxa uuna ugu baaqay masuuliyiinta dadka sii safrayana in loo fududeeyo safarkooda.
 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Gudoomiye ku-xigeenkii Baarlamanka Yurub oo la eryey ka dib fadeexad soo wajahday

Caydiid Ali

Beesha caalamka oo bilowday dedaalo lagu badbaadinayo Shirka Dhuusamareeb

Caydiid Ali

(Sawirro) Madaxweyne Xassan Shiikh oo xariga ka jaray xaruntii ugu horeysay ee..

Caydiid Ali
Taboola Ads ---