Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Mareykanka iyo Maamulka Taliban oo isdhaafsay Maxaabiis u kala xirnaa (Sawirro)

Mareykanka iyo Maamulka Taliban ee ka taliyaha dalka Afghanistan ayaa is dhaafsaday dad labada dhinac u kala xirnaa sida ay baahisay wakaalada wararka ee AP.

Taliban ayaa sheegtay inay sii daayeen Injineer Mareykan ah, kaasoo ay ku bedesheen hogaamiye qabiil taageera Taliban oo uu Mareykanku ka sii daayey xabsiga.

Sii hayaha wasiirka arrimaha dibedda Taliban, Amir Khan Muttaqi, ayaa sheegay in Mark Frerichs Isniintii lagu wareejiyay garoonka diyaaradaha magaalada Kabul.

Wuxuu sheegay in taa badalkeedna loo soo sii daayay Bashir Noorzai, oo Mareykanka lagu xiray sanadkii 2009-kii kaddib markii lagu eedeeyay ka ganacsiga daroogada oo Taliban ay ka heli jirtay dhaqaale badan oo ay u isticmaaleysay dagaalka ay kala soo horjeedeen ciidamadii Mareykanka ee ka baxay dalkaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Midowga Musharaxiinta oo war kasoo saaray Shirka uu ku baaqay Ra’isul Wasaare Rooble

Cabdi Cade

Pakistan oo dalacsiisay maskaxdii ka dambeysay guusha dagaalkii India

Caydiid Ali

Daawo :-Xasan Cali Khayre & C/kariin Guuleed oo sheegay In ay ka badbaadayn isku day dil oo lasoo qorsheeyey”

admin
Taboola Ads ---