Beesha caalamka oo bilowday dedaalo lagu badbaadinayo Shirka Dhuusamareeb

Xubnaha beesha Caalamka ayaa bilaabay u kala dabqaadida xubnaha ku shiraya magaalada Dhuusamareeb iyo labada maamul goboleed ee maqan, kadib markii ay soo saareen warsaxaafadeedkii ay damaanad qaadka ku siinayeen Dawlad goboleedyada ee ahayd in wixii ka soo baxa Shirka Dhuusamareeb ay dabagalayaan si ay u dhaqangalaan.

Xubanaha beesha Caalamka oo la hadlay madaxwayne Farmaajo iyo mas’uuliyiinta kale ee ku sugan Dhuusamareeb ayaa waxaa ay waydiisteen laba maalmood in la siiyo, si ay dhinacyada kale ugu qanciyaan ka soo qaybgalka Shirka Dhuusamareeb.

Sida ilo lagu kalsoonaan karo ay ii xaqiijiyeen madaxda ku shiraysa Dhuusamareeb waa ay aqbaleen mudada ay beesha caalamku qabsatay, halka Labada dawlad goboleed ee Puntland iyo Jubbaland ay shirka ku soo biiri doonaan wixii Sabtida ka bilaawda.

Mas’uul sare oo ka tirsan Puntland oo aan la hadlay ayaa ii sheegay in ay ka warsugayaan go’aanka 20ka bisha oo ku beegan Khamiistaan ka soo bixi doona Golaha Amaanka ee qaramada midoobay.

Waxaa muuqata in isu soo dhawaanshiyaha ay beesha caalamku ka shaqaynayso in uu guulaysanayo islamarkaana ay dhinacyadu ku qanacsan yihiin.

Madaxwaynaha Soomaalia oo ay waqti maalmo yar ah uga harsan yihiin 30 kii casho ee loogu talo galay magacaabista Ra’iisalwasaaraha cusub ayaa la filayaa in uu sii joogo Dhuusamareeb, sida ay ii xaqiijinayaan ilo ku dhaw xafiiska madaxwaynaha oo Dhuusamareb ku sugan.

W/D: Xassan Shiikh Axmed (Cadde)
Dhuusamareeb, Somalia

- Advertisement -