Allbanaadir.com
NEWS

Al Shabaab oo labo maamul ka dhigtay Baay iyo Bakool, Hogaan cusubna u magacawday

Xarakada Al Shabaab ayaa maamulkii gobolada Baay iyo Bakool oo mar hore hal hogaan u lahaa kala qaaday una magacawday Gudoomiyaal cusub oo kala hogaamin doona labada gobol ee Baay iyo Bakool.

Maktabka Siyaasada iyo xiriirka gobolada ee Al Shabaab ayaa xilkii ka qaaday Gudoomiyihii hore ee gobolada Baay iyo Bakool Sheekh Cabdullaahi Macalim Geedoow oo sanado badan ahaa gudoomiyaha labada gobol ee Baay iyo Bakool.

Al Shabaab ayaa gudoomiyaha cusub ee u qaabilsan gobolka Baay u magacaabay Sheekh Xamsa Abu Jacfar halka Gudoomiyaha cusub ee gobolka Bakool isna loo magacaabay Sheekh Cusmaan Abu Cabdi Raxmaan.

Maamulka Al Shabaab ee gobolada Baay iyo Bakool ayaa soo maray ilaa sadex hogaan, waxaana Hogaamiyaasha Al Shabaab ee soo maray maamulka gobolada Baay iyo Bakool kamid ahaa Hogaamiyaha guud ee Al Shabaab Sheekh Axmad Cumar Abu Cubayda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Askari Ilaalo u ahaa Wasiir katirsan Dowladda oo dil geestay iyo Duqa Muqdisho oo ka hadlay

Cabdi Cade

Ciidamada RSF oo dagaal kula wreegay saldhig weyn oo kuyaallay magaalada El Daein

Cabdi Cade

Taliyaha Ciidanka XDS oo ka hadlay waxa ka jira qoraal uu ku fasaxay lacagtii lagu qabtay Muqdisho

Caydiid Ali
Taboola Ads ---