Allbanaadir.com
NEWS

Marwada koowaad ee dalka oo Arimo muhiim ah kala hadashay Serkan Kayalar (Sawirro)

Marwada Koowaad ee dalka Marwo Saynab Cabdi Macallin iyo wafdi ay hoggaamineyso oo safar shaqo ku joogta dalka Turkiga ayaa kulan la qaadatay Madaxa Wakaaladda Iskaashiga Iyo Iskuduwidda Turkiga ee (TIKA) Mudane Serkan Kayalar.

Marwada Koowaad ee dalka iyo Madaxa Hay’adda TIKA ayaa ka wada hadlay dardargelinta mashaariicda horumarineed ee hortebinta u leh shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan hirgelinta isbataalka hooyada iyo dhallaanka ee Muqdisho oo ay iska kaashanayaan Wakaaladda Iskaashiga Iyo Iskuduwidda Turkiga ee (TIKA) iyo hay’adda Saynab Moallim Foundation.

Marwo Saynab Cabdi Macallin ayaa soo bandhigtay dadaallada muuqda ee laga xaqiijiyey dhanka dib u dhiska qaar ka mid ah xarumaha caafimaadka ee dalka, si loo daboolo baahiyaha aas-aasiga ah ee ay qabaan shacabka Soomaaliyeed.

Dhankiisa, Mudane Serkan Kayalar ayaa muujiyey sida ay uga go’an tahay Wakaaladda Iskaashiga Iyo Iskuduwidda Turkiga ee (TIKA) xoojinta mashaariicda horumarineed ee dhinacyada caafimaadka, waxbarashada iyo kaabeyaasha dhaqaalaha ee ay ku taageeraan dadka Soomaaliyeed.

Marwada Koowaad ee dalka Marwo Saynab Cabdi Macallin, waxaa kulanka ku wehelinayey Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Turkiga Mudane Jaamac Cabdullahi Caydiid, xubno ka tirsan diblomaasiyiinta ka howlgala Safaaradda iyo masuuliyiin ka socda hay’adda Saynab Moallim Foundation.

Related posts

Sweden oo fulisay shuruud adag oo Dowlada Turkigu ku xirtay iney ku biirto NATO

Caydiid Ali

Shan dowladood oo War ka soo saaray xiisada Somalia & Itoobiya

Caydiid Ali

Qarax Khasaaro geestay oo saakay ka dhacay Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---