(Sawirro) Dayuurado weeraray Madaxtoyada Ruushka & Putin oo dil ka badbaaday

Ruushka ayaa ku eedeeyay Ukraine inay habeen hore ku weerareen aqalka Kremlin-ka ee magaalada Moscow diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, isku day fashilmay oo lagu doonayay in lagu dilo Madaxweyne Vladimir Putin.

Sarkaal sare oo ka tirsan madaxtooyada Ukraine ayaa beeniyay eedeynta oo aheyd tii ugu cusleyd ee Moscow ay ku soo oogtay Kyiv in ka badan 14 bilood oo dagaal ah, wuxuuna sheegay inay muujineyso in Moscow ay diyaarineyso wax uu ugu yeeray “daandaansi argagixiso”.

Kremlin-ka ayaa sheegay in Ruushku uu xaq u leeyahay inuu ka aargoosto weerarkaas, dadka qaarna ee sida weyn u taageersan siyaasada Moscow ay dalbadeen aargoosi degdeg ah oo ka dhan ah Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskiy.

“Laba ka mid ah diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ayaa loola dan lahaa Kremlin-ka. Natiijadu waxay tahay tillaabooyin ka hortag ah oo ay qaadeen militariga iyo adeegyada gaarka ah iyagoo adeegsanaya nidaamyada dagaalka ee radarka” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay Kremlin-ka.

“Waxaan u aragnaa falalkan inay yihiin fal argagixiso oo la qorsheeyay iyo isku day lagu doonayey in lagu dilo madaxweynaha, Ruushku waxay xaq u leeyihiin inay qaadaan tillaabooyin aargoosi halka iyo goorta ay u arkaan inay ku habboon tahay.” ayaa lagu yiri bayaanka

Baza, oo ah kanaal Telegram ah oo xiriir la leh hay’adaha fulinta sharciga ee Ruushka, ayaa baajiyey muuqaal muujinaya shay duulaya oo ku soo wajahan qubbada dhismaha aqalka Kremlin oo ka soo horjeeda fagaaraha cas ee magaalada Moscow,  kaasoo qarxaya iftiin aad u darana bixinaya.

La taliyaha Madaxweynaha Ukraine Mykhailo Podolyak ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters: in Ukraine aysan wax shaqo ah kuma lahayn weerarrada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Kremlin-ka

Afhayeenka awoodda badan ee aqalka hoose ee baarlamaanka Ruushka, Vyacheslav Volodin, ayaa soo saaray bayaan uu ku dalbanayo isticmaalka wax uu yeeray “hubka awood u leh joojinta iyo burburinta nidaamka argagixisada ee Kyiv”.

War saxaafadeedka ka soo baxay maamulka madaxtooyada ayaa lagu sheegay in qaybo ka mid ah burburka diyaaradaha aan duuliyaha lahayn uu daatay dhulka Kremlin-ka balse aysan jirin khasaare nafeed iyo mid hantiyeed toona.

Warbaahinta RIA waxay sheegtay in Putin uusan markaas joogin Kremlin-ka, uuna ka shaqeynayay gurigiisa Novo Ogaryovo ee ka baxsan Moscow.

Muuqaal kale oo ku wareegayay baraha bulshada ee Ruushka ayaa u muuqday mid muujinaya qiiq badan oo dul heehaabaya Kremlin-ka kadib weerarka la sheegay inuu dhacay.

Duqa magaalada Moscow Sergei Sobyanin ayaa sheegay horraantii Arbacadii in magaaladu ay soo saartay mamnuucid degdeg ah oo lagu soo rogay duullimaadyada aan duuliyaha lahayn.

Ruushku waxa uu Ukraine ku eedeeyay weeraro badan oo xudduudaha isaga gudba tan iyo bilowgii dagaalka, oo ay ku jiraan weeraro bishii Diseembar ee saldhig ciidamada cirka ah oo ku yaala gudaha dhulka Ruushka oo ay ku jiraan diyaaradaha istiraatijiga ah ee wax duqeeya ee u qalabaysan inay qaadaan hubka nukliyeerka. Bishii Febraayo, diyaarad Drone ah ayaa ku burburtay Kolomna, oo qiyaastii 110 km (70 mayl) u jirta bartamaha magaalada Moscow.

Ukraine caadiyan way diidaa inay sheegato mas’uuliyadda weerarrada lagu qaaday Ruushka ama Crimea oo Ruushku la wareegay, in kasta oo mas’uuliyiinta Kyiv ay si joogto ah ugu dabaaldegaan weerarradaas hadallo jees-jees ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -