Guddoomiye ku-xigeen hore oo isku dhex dilay Xarun dowladeed (Sawirro)

Guddoomiye ku-xigeenkii hore ee Baarlamaanka dalka Malawi ayaa isku toogtay gudaha xarunta baarlamaanka, xili uu kaga qeyb galayay kulanka Xildhibaannada.

Clement Chiwaya oo 50 sano jir ahaa ayaa isku toogtay xarunta baarlamaanka ka dib markii uu qeyb galay kulan looga hadlayay gaadiidka uu xaqa u leeyahay xildhibaan ahaan, markii uu xafiiska ka tagayay sannaddii 2019.

Afhayeenka booliiska Malawi , James Kadadzera, ayaa xaqiijiyay dhacdadaas, laakiin wuxuu diiday inuu faahfaahin ka bixiyo illaa uu warbixin buuxda ka helayo baarayaasha kiiska.

“Baarlamanka Wuxuu ka xun yahay inuu shacabka ku wargeliyo in guddoomiye ku-xigeenkii hore uu isku dhex dilay xarunta baarlamaanka,” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay Baarlamaanka Malawi.

Waxaa sidoo kale bayaanka lagu sheegay in arrintaas ay la xiriirto “niyad-jab uu ka qaaday in la fulin waayay waxyaabihii uu dalbanayay.”

Chiwaya wuxuu iibsaday gaarigiisii, dhammaadkii shantii sannadood ee uu xilka hayey ee sannadka 2019, sida ku cad qandaraaska. Wuxuu isku dayay inuu baarlamaanka bixiyo qarashkii ku baxay shil uu gaarigiisa galay lix bilood ka dib.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -