Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Faahfaahin: Kooxo hubeysan oo weeraray hoyga Taliyaha Booliska gobolka Nugaal

Faahfaahino ayaa ka soo baxaya weerar koox hubeysan ay xalay ku qaaday hoyga uu magaalada Garoowe ka deggan yahay Taliyaha Qaybta Booliska gobolka Nugaal Maxamed Aadan Jaamac.

Wararka ayaa sheegaya in muddo daqiiqado ah rasaas laga maqlay guriga Taliyaha oo ku yaalla xaafadda 1-da August oo ka mid ah goobaha aadka loo ilaaliyo ee magaalada Garoowe

Ma jiro illaa hadda khasaare laga soo wariyay is-rasaaseyn kooxda hubeysan iyo ilaalada taliyaha qeybta booliiska gobolka Nugaal.

Wararka qaar ayaa sheegaya in weerarkan au ka dambeeyeen maleeshiyo ku heyb ah Nin shalay uu soo xiray taliyaha, kaasoo lagu eedeeynayo inuu dil uu u geystay Sarkaal ka tirsan Ciidanka gaarka ah ee Puntland.

Booliska Puntland ayaa Magaalada Garoowe ka dhex raadinaya Kooxda hubeysan oo weerartay hoyga Taliyaha oo illaa hadda aan gacanta lagu dhigin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasiir ka tirsan Israel oo eedeyn yaab leh u jeediyey Biden “Wuxuu taageeraa Xamaas”

Caydiid Ali

Al Shabaab oo War Xasaasi ah kasoo saartay Xiisada ka taagan Balad Xaawo 

Cabdi Cade

Faahfaahin: Guuleed oo kulan xasaasi ah la qaatay Safiirka Midowga Yurub (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---