Masuul soo saaray Qoraal ka careesiiyay Madaxweyne Deni oo xilka laga qaaday (Wareegto)

Wareegto goordhaw kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xilka looga qaaday  Guddoomiyaha Hay’adda Waddooyinka maamulka Puntland Cabdulqaadir Cali Xirsi .

Madaxweyne Deni wareegtada kuma cadeyn sababta rasmiga ah ee xilka uga qaaday Gudoomiyaha Hay’adad Wadooyinka Puntland marka laga reebo in lagu sheegay in loo baahan yahay horumarinta Hay’adda.

Masuulkan xilka laga qaaday ayaa maalmo kahor War saxaafadeed uu soo saaray ku eedeeya Wasaaro katirsan maamulka Puntland ay ku jiraan Wasaarada Maaliyadda iyo howlaha guud uu ku eedeeyay in ay is hortaag ku sameeyeen Dakhliga Hay’addan.

Warka uu soo saaray maalmo kahor Gudoomiyaha xilka laga qaaday ayuu ku sheegay in Hay’addiisa dhoor bilood laga jaray Biyaha, Korontada iyo Internetka, waxa uuna dacwad ka gudbiyay sadex wasaaradood katirsan maamulka Deni.

Halkan ka Akhriso Wareegtada xilka looga qaaday Guddoomiyaha Hay’adda Waddooyinka iyo Qoraalkii uu soo saaray

Madaxweynaha  Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr.28 September 29, 2021 kuna saabsan xil kaqaadis Guddoomiyaha Hay’adda Waddooyinka Dowladda Puntland.

Madaxweynaha  Puntland

Markuu arkay: Dastuurka  Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu arkay: Baahida loo qabo horumarinta Hay’adda Waddooyinka Puntland.

Markuu garawsaday: Shaqooyinka baaxadda leh ee horyaala Hay’adda Waddooyinka Dowladda Puntland.

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa Cabdulqaadir Cali Xirsi laga qaaday xilka Guddoomiyaha Hay’adda Waddooyinka Dowladda Puntland.

2. Waxaa si ku meel gaar shaqada Hay’adda u sii wadaya Guddoomiye ku xigeenka Hay’adda Waddooyinka.

*Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -