Arday wax ka dhigata Jaamacadda Muqdisho oo Turkiga aaday lana sagootiyay (Sawirro)

Arday ka tirsan jaamacadda Muqdisho oo daraaso ku soo qaadanaya dalka Turkiga ayaa xaflad sagootin ah mloogu sameeyay xarunta jaamacadda.

Ardaydan oo isugu jira Baaj iyo Master ayaa ku baxaya barnaamijka Erasmus ee arday isdhaafsiga wadamada Yurub oo jaamacadda Muqdisho ay heshiis kala gashay jaamacaddo ku yaala dalka Turkiga.

Ardaydan oo lagu soo xulay kaalimaha ay galeen ayaa Semester ku soo qaadanaya Jaamacadda Sivas Turkiga waxaan xigi doona in arday Turki ah ay ayana waxbarashadooda ku qaadaan doonaan Jaamacadda Muqdisho.

Madaxa xafiiska arrimaha ardayda ee jaamacadda muqdisho Muuse Axmed Cabdalla ayaa sheegay ahmiyadda uu barnaamijkan uu u leeyahay ardayda Soomaaliyeed iyo kuwa Turkiga.

Gudoomiye ku-xigeenka arrimaha waxbarashada Dr Cali Daahir Maxamed ayaa ardayda kula dardaarmay inay howsha loo diray kamira dhaliyaan tusaalena u noqdaan ardayda iyaga ka dambeeya ee badalidoona.

Jaamacadda Muqdisho oo la furay 1997 ayaa  heshiisyo kula jirta jaamacado caalami ah oo ay ka wada shaqeeyaan cilmi baarista, aqoon isdhaafsiga iyo tayaynta waxbarashada sare.

- Advertisement -