Beesha caalamka oo loogu baaqay iney qaswade u aqoonsadaan Farmaajo

Hogaamiyaha Xisbiga wadajir C/raxmaan C/shakuur ayaa si kulul uga hadlay talaabadadii Villa Somalia lagu geeyey 8 ka mid ah ergooyinka doorashada xubnaha aqalka sare ee Somaliland oo ku xareysnaa Afisiyooni, kuwaasoo la kulmay madaxweyne Farmaajo

C/raxmaan C/shakuur ayaa arrintan ku sifeeyey mid lagu carqaladeynayo doorashada.

“Iyadoo ay berri ku beeggantahay maalintii hadal jeedinta murashaxiinta u tartamaya Aqalka Sare ee Somaliland, ayuu Farmaajo ka shaqeeynayaa kala qaybinta odayaasha dhaqanka Somaliland ee ka qaybgelaya doorashada” ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur.

Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir ayaa sheegay in Farmaajo uusan joojineyn fowdada, lana gaaray xiligii loo aqoonsan lahaa doorashada.

Farmaajo ma daynayo qaska iyo fidnada doorashada lagu carqaladaynayo, maadaama uusan rejo ka lahayn natiijada, welina ka tanaasulin damaciisii muddo kororsiga. Balse, Soomaalida iyo Beesha Caalamka ayaa lagaa rabaa in ay qaswade u aqoonsadaan meelna uga soo wada jeestaan sidii ay iskaga qaban lahaayeen. Tan kale, waa ku ceeb odayada reer Somaliland in ay Farmaajo fidnada iyo fowdada ku gacan siiyaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -