Ciidamo Milatari ah oo diidan Madaxweyne Farmaajo oo Muqdisho soo galay

Ciidamo badan oo katirsan milatariga Soomaaliya kuna hubeesan gaadiidka dagaalka nuucyadiisa kala duwan ayaa saacadihii lasoo dhaafay soo gaaray magaalada Muqdisho iyo duleedkeeda.

Sida aan wararka ku helnay ciidamadan milatariga ayaa kasoo baxay fariisimo ay kaga sugnaayeen gobolka Shabeelaha Dhaxe, waxa ayna hada soo gaareen degmada Kaaraan iyo deegaano kale oo kuyaala duleedka Muqdisho.

Ciidamadan ayaa la sheegay in ay kasoo horjeedaan mudo kororsiga Xildhibaanada golaha shacabka u sameeyeen Madaxweyne Farmaajo, waxa ayna ciidamadan taageero u muujinayaan musharaxiinta mucaaradka ee diidan Farmaajo.

Dowlada Soomaaliya ayaa wada dadaalo ay ku dooneyso in ciidamadan ugu biirin  mucaaradka, waxaana la sheegay saraakiil iyo masuuliyiin dowlada u dirtay ciidankaasi in ay la hadlaan ku guul dareesteen .

Musharaxiinta mucaaradka ayaa bilaabay in ay is hubeeyaan tan iyo markii dowlada ee mudo kororsiga sameesatay, waxa ayna Musharaxiinta qaar degeen qeybo kamid ah degmooyinka Gobolka Banaadir halkaasi ay ciidan aruursi ka wadaan.

Waxii Warar ah ee kusoo kordha kala soco Wararkayaga Dambe Insha Allah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -