DEG DEG: Farmaajo oo faragelin bilaabay & doorashadii xubnaha Somaliland oo dib loo dhigay

Guddiga Hirgelinta doorashooyinka Gobolada Waqooyi ayaa dib u dhigay hadal jeedintii berri ee Musharaxiinta Aqalka Sare ee xubnaha ka soo jeeda Somaliland.Dib ayaan kasoo sheeegi doonaa wakhtiga.

Talaabadan ayaa ku soo beegantay xili caawa  oday dhaqameedyo ka soo jeeda Somaliland  laga kaxeeyay Xarunta Afisyooni oo ay ku xareysnaayeen lana geeyay Madaxtooyada Somalia halkaasoo ay kula kulmeen Farmaajo.

“Waxaan ku wargelinaynaa dhamaan  musharixiintii isku diiwan geliyay tartanka Doorashada Aqalka Sare ee Somaliland in uu dib u dhac ku yimid  hadal jeedintii berri ay jeedin lahaayeen musharixiintu” ayaa lagu yiri qoraal caawa ka soo baxay guddiga.

Sideeda Oday dhaqameed ee caawa la geeyey Vila Somalia ayaa ka mid ah 46 Ergo ee soo dooraneysa Senatarada Aqalka Sare ee Gobolada Waqooyi sida ay sheegayaan ilo wareedyo lagu kalsoon yahay.

Faragelinta uu Farmaajo ku sameynayo doorashooyinka xubnaha gobolada woqooyi ayaa loo arkaa mid halis ku ah geeddi socodka hanaanka doorashooyinka dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -