Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Farmaajo oo baaq cusub u diray Shacabka Soomaaliyeed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoysaska, qaraabada iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee ay ka geeriyoodeen Muwaadiniintii ku shahiiday qaraxii bahalnimada ahaa ee argagixisadu ay maanta ka fuliyeen magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay isku duubni, wadajir iyo sii joogteynta la shaqeynta laamaha ammaanka, si looga guuleysto cadawga arxan laawayaasha ah ee caadeystay gumaadka iyo daadinta dhiigga shacabka Soomaaliyeed.

“Innaa Lillaahi wa innaa Ilayhi raajicuun. Qaraxan argagixisadu ay maanta ku xasuuqday shacabka birimagaydada ah waxa uu muujinayaa yoolkooda foosha xun ee salka ku haya in ay meel kasta ku gumaadaan dadkeenna iyo sida ay nolol iyo xasillooniba ugu diiddan yihiin shacabka Soomaaliyeed.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Alle uga baryey muwaadiniintii ku geeriyooday qaraxan bahalnimada ah in uu hoygooda ka yeelo Jannatul Firdowsa, kuwa kale ee ay dhaawacyadu ka soo gaareenna uu Eebbe u boogo dhayo.

 

Related posts

Kenya oo Diyaarado dagaal usoo iibsatay dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab

Cabdi Cade

Salman Khan oo ka bad baaday isku day dil oo salka ku haya aano dil uu ugaar u geestay

Cabdi Cade

Dhismihii Ergada Joogtada Liibiya ee QM oo albaabada loo laabtay iyo sababta keentay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---