Allbanaadir.com
NEWS

Dowlada oo maanta lagu wareejiyay qalabka baaritaanka Caronavirus (Daawo Sawirada)

Waxaa maanta magaalada Muqdisho lasoo gaarsiiyay qalab caafimaad oo loogu tala galay in lagu baaro cudurka saf marka ah ee Caronavirus , xili Soomaaliya ay ka jirto baahi badan oo qalabkan loo qabay.

Hay’adda Caafimaadka Aduunka ee WHO ayaana qalabkan baaritaanka cudurka caronavirus soo gaarsiisay magaalada Muqdisho , waxaana lacagta lagu soo iibiyay qalabkan baaritaanka bixisay dowlada Talyaaniga.

Masuuliyiin katirsan wasaarada caafimaadka Xukuumada Soomaaliya ayaa la wareegay qalabkan loogu tala galay in lagu baaro cudurka Caronavirus oo dhoor kiis  laga helay gudaha Soomaaliya .

Wasaarada caafimaadka Soomaaliya ayaa shaacisay in gudaha Soomaaliya hada kadib lagu baarayo Cudurka Caronavirus, waxaana markii hore baaritaanka cudurkan loo diri jiray dalka Kenya.

Cudurka Caronavirus ayaa laga cabsi qabaa in uu ku faafo gudaha Soomaaliya, waxaana ilaa hada la xaqiijiyay dhoor kiis oo cudurkan ah oo lagu arkay magaalada Muqdisho, waxaana u geeriyooday mid kamid ah dadkii laga helay cudurkan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Mareykanka oo ka hadlay Dhaqaalaha ku baxaya Doorashada Golaha Shacabka

Cabdi Cade

Faahfaahin: Dagaal ka dhacay degaan ku yaalla duleedka Magaalada Dhuusamareeb

Caydiid Ali

Khasaaraha dhimasho ee ka dhashay roobkii ka da’ay Muqdisho oo la shaaciyay

Cabdi Cade