Qarax Ismiidaamin ah oo goordhaw ka dhacay Meel ku dhaw Madaxtooyada Soomaaliya

Waxaa goordhaw qarax ismiidaamin ah oo loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay uu ka dhacay agagaarka Isgoyska Importooriyo Ceelgaabta gaar ahaan Koontroolka beerta nabada ee laga galo Madaxtooyada Soomaaliya.

Qaraxan oo si weyn jugtiisa looga maqlay qeybo kamid ah magaalada Muqdisho ayaa la sheegay in uu si gaar ah uga dhacay koontaroolka laga ilaaliyo xarunta Madaxtooyada Soomaaliya gaar ahaan meel ku dhaw beerta Nabada.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qaraxan ismiidaaminta ah, waxaana goobta gaaray gaadiidka gurmadka deg dega oo goobtaasi ka qaadaya dadka ay waxyeelada kasoo gaartay qaraxa.

Ciidamada amaanka gaar ahaan ilaalada Madaxtooyada iyo ciidamada booliiska ayaa xiray aaga uu qaraxu ka dhacay, waxaana halkaasi gaaray saraakiil iyo ciidamo si ay u qiimeeyaan khasaaraha uu reebay qaraxan.

Waxii warar ah ee kusoo kordha qaraxa kala soco Wararkayaga Dambe Insha Allah

- Advertisement -