Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ra’isul Wasaare Kheyre oo goordhaw magacaabay Sadex Wasiir (Akhriso Magacyada)

Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa goordhaw Wareegto uu soo saaray ku magacaabay sadex Wasiir cusub oo kamid noqonaya golihiisa Wasiirada, waxaana Wasiiradan la magacaabay booskooda ahaa kuwa banaan.

Wasiirada Ra’isul Wasaare Kheyre magacaabay ayaa kala ah Wasiirka Dastuurka Saalax Axmed Jaamac, Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xil Sadiiq Warfaa & Xildhibaanad Fowsiya Maxamed Sheekh loo Magacaabay Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha.

Wasiirka cusub ee loo magacaabay Dastuurka Saalax Axmed ayaa horey u ahaa Wasiirka Shaqada iyo Arimaha bulshada, waxaana wasaaradan hayay oo dhawaan ka geeriyooday Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil.

Xildhibaan Sadiiq Warfaa oo loo magacaabay Wasiirka Shaqada iyo Arimaha bulshada ayaa ku beel ah booskiisana lagu bedelay Wasiirkii geeriyooday C/Raxmaan Xoosh, halka Wasiir Foosiya iyana buuxisay booskii Wasiirnimo uu baneeyay Madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Magacaabista Wasiiradan ayaa kusoo aadeysa xili Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya uu kusii jeedo magaalada Washigton ee caasimada dalka Mareykanka, waxa uuna dalkaasi kaga qeyb galayaa shirar isagoo sidoo kale kula kulmaya Madax kala duwan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada oo shaacisay in Duqeyn lagu dilay Saraakiil katirsan Ururka Al Shabaab

Cabdi Cade

(Sawirro) Milateriga Ruushka oo duqeymihii ugu tirada badnaa ka geystay Ukraine

Caydiid Ali

Madaxweyne Erdogan oo muddo ka dib soo hadal qaaday xaalada Soomaaliya

Caydiid Ali
Taboola Ads ---