Dadka Qurbaha kunool Maxey ka Faa’iidayaan in dagaal ka dhaco Muqdisho ?

Dadka Soomaaliyeed ee kunool Gobolada dalka iyo magaalada Muqdisho ayaa kasoo daalay dagaalo sukeeye oo dalka ka dhacayay in ka badan 20-sano, waxa ayna hada dadka Soomaaliyed colaad ka doorbidayaan nabad iyo Wada noolaansho.

Labadan maalin baraha ee bulshada kuwada kulmaan sida Facebooka waxaa laga dareemayay dad hurinaya colaad sukeeyee una xiiso qabo in mar kale dalka uu ka dhaco dagaal gaar ahaan magaalada Muqdisho.

Qaar badan oo kamid ah dadka kunool qurbaha ayaa garaacaya turbaan colaadeed, waxaana dadkan oo isugu jira wiilal iyo gabdho ku baaqayaan in Muqdisho dagaal ka dhaco oo lala dagaalamo dowlada.

Muuqaalo iyo Fariimo ay dadkan qaarkood soo dhigeen baraha Bulshada ayaa aad u murjiyay niyad jabna igu riday, waxaana isweediiyay dadkan Qurbaha kunool waxa ay ka faa’iidayaan hadii Muqdisho dagaal ka dhaco oo dad badan ku dhintaan.

Xaqiiqdii ma jirto wax ay ka faa’iidayaan dadka Soomaaliyeed colaad dalka ka dhacda gaar ahaan magaalada Muqdisho marka laga reebo in a ka faa’iidayaan dambi iyo caro alle oo ku dhacdo.

Dadkan turbaanka colaada yeerinaya ayaa u badan dad ehelkooda aysan joogin magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka, waxa ayna dadkan dhalinyarada iyo ciidamo beeleedyada qaar ugu baaqayaan in dagaal galaan oo hubka qaataan dhiigna daadiyaan.

Baaris dheer kadib waxaa isoo baxday dadka Colaada iyo dagaalka ku baaqaya in ay u badan yihiin kuwa dadkooda aysan dalka ku nooleyn, kuwa aan heesan sharciyada wadamada ay joogaan oo ka baqaya in dalka lagu soo celiyo iyo kuwa ka macaasha dhiiga dadka.

Magaalada Muqdisho oon hada joogo ayaan laga dareym wax saan saan colaadeed ah, waxaana dadka kunool magaalada  badankood yihiin dad nabadeed oo doonaya in uusan mar kale magaalada dagaal ka dhicin, waxa uuna qof walbo ku mashquulsan yahay shaqadiisa gaarka ah..

Dadka Muqdisho kunool ayaa aad ugu faraxsan horumarka magaalada ka jira iyo Nabada dowlada ka shaqeeneyso, waxa ayna dadka badi iska hilmaameen qabiilkii qarankeeda dumiyay dhiig badana magaalada ku daadiyay.

Waxaa sidoo kale xusid mudan in ay jiraan qaar badan oo kamid ah Qurbo joogta Soomaaliyeed oo jecel nabada Soomaaliya iyo Horumarka dowlada, waxa ayna qaarkood qeyb weyn ka qaateen Horumarka dalka iyo dib u dhiskiisa.

Waxaana ugu dambeyn ugu baaqayaa Shacabka Soomaaliyeed ee kunool qurbaha in ilaah ka cabsadaan ayna joojiyaan qabyaalada ee dibada ku hayaan iyo colaada sukeeye ee ku baaqayaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -