Daawo Sawirada: Tareen dhoor cad u kala Go’ay iyo Khasaaro kala duwan oo ka dhashay

Daawo Sawirada: Tareen dhoor cad u kala Go’ay iyo Khasaaro kala duwan oo ka dhashay

Shil Tareen oo dhaliyay khasaaro kala duwan ayaa ka dhacay magaalada Washigton ee Caasimada dalka Mareykanka .

Tareenkan ay la socdeen 77-qof oo rakaab  ayaa kala go’ay kadib markii uu shil galay, waxaana rakaabkii tareenkaasi saarnaa soo gaaray khasaaro badan.

Inta la xaqiijiyay sadex qof ayaa ku dhintay shilkaan, waxaa sidoo kale isbitaalada la dhigay ku dhawaad 100-qof kuwaa qaarkood la sheegay in dhaawacyo culus qabaan.

Qeybo ka go’ay tareenka shilka galay ayaa ku dul daatay todo gaari oo labo kamid ah ahaayeen kuwa xamuulka qaada, waxaana laga cabsi qabaa khasaaraha dhimasho in ay kasii bataan inta hada la ogyahay.

Tareenkan shilka galay ayaa ka soo baxay Seattle, wuxuuna ku sii jeeday Koofurta Portland, Waxaana Tareenka ku kala go’ay meel tareenno badan ay isticmaalaan .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -