Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Gaas oo shaaciyay goobta kaliya ee doorasho hal qof iyo hal cod ay ka dhici karto xiligan

Madaxweynaha maamulka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta sheegay in deegaanka maamulkiisa kaliya xiligan u diyaarsan yahay in ay ka dhacdo doorasho hal qof iyo hal cod.

Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa tilmaamay in Soomaaliya meesha keliya ay ee doorasho hal qof iyo hal cod ahi ay ka dhici karto xiligan ay tahay Puntland, waxa uuna cadeeyay in Puntland uu ka jiro isbadal weyn oo lagu faani karo.

Madaxweyne Gaas ayaa xusay in Puntland ay nabad tahay, isla markaana ugu baaqay cid walba oo danaynaysa in Soomaaliya ka dhacdo doorashadaasi ay yimaadaan Puntland si ay tusaale fiican iyo bilaw wanaagsan u qaataan.

Soomaaliya ayaa la lagu wadaa in ay ka dhacdo doorasho hal qof iyo hal cod sanadka 2021 ka, waxaana shaki badan la galinayaa in doorasho qof iyo cod ah ay Soomaaliya ka dhacdo xiligaasimaadaama dowlada aysan wada maamulin guud ahaan dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxay Cali Guudlaawe & Dabageed habeenkii labaad ugu hoydeen Maxaas? (Sawirro)

Caydiid Ali

Erdogan oo gudoomay fariin ka timid dhigiisa Xassan Shiikh

Caydiid Ali

(Sawirro) Maxkamada ciidamada DF oo xukun dil & xabsi ah ku riday xubno ka tirsan Al-shabaab

Caydiid Ali
Taboola Ads ---