Allbanaadir.com
NEWS

 Ra’isul Wasaare Kheyre oo runta u sheegay Xildhibaano kala hadlayay Xariga C/raxmaan C/shakuur

Xildhibaano katirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya kana soo jeeda Beesha Hawiye ayaa kulan albaabada u xiran la qaatay Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Kulankan labada dhinac dhax marayay ayaa looga hadlayay xariga ciidamada amaanka u geesteen Siyaasiga Cabdirxamaan C/shamuur Warsame oo habeen hore lagu xiray xarunta  Hay’ada Nabad Sugida .

Sida aan Wararka ku helnay Xildhibaanada kasoo jeeda Beesha Hawiye ayaa ka codsaday Ra’isul Wasaare Xasan Cali Kheyre in xabsiga laga sii daayo C/raxmaan C/shakuur sidoo kale dowlada raali galin ka bixiso weerarkii gurigiisa lagu qaaday.

Ra’isul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa si cad ugu sheegay Xildhibaanada uu la kulmay in wax shaqo ah uusan ku laheyn xariga Siyaasiga C/raxamaan C/shakuur, waxa uuna tilmaamay in kiiskaasi ay gacanta ku hayaan Hay’adaha garsoorka dalka.

Xasan Cali Kheyre ayaa ku qanciyay Xildhibaanada in ay ku kalsoonaadaan Garsoorka dalka ayna joojiyaan caadifada iyo xiisada ay abuurayaan, waxa uuna sheegay in uu ka shaqeenayo in garsoor cadaalada ah uu helo Siyaasiga xiran.

Xildhibaanada la kulmay Ra’isul Wasaare Kheyre ayaa qaarkood kulanka ka sheegay hadalo caadifad huwan ,waxa ayna ku hanjabeen qaarkood  in xaalada ay ka sii dareyso hadii aan la soo deyn Siyaasiga xiran.

Ugu Dambeyn kulanka labada dhinac dhax maray ayaa kusoo dhamaaday fashil, waxaana Xafiiska Ra’isul Wasaaraha isaga soo tagay Xildhibanao katirsan labada Aqal oo ku hungobay dalabkoodii ahaa in lasoo daayo Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

In ka badan 100-qof oo ku dhimatay Biyo xireen soo dumay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Ciidamo fara badan oo xiray wadooyinka soo gala Taalada daljirka Dahsoon

Caydiid Ali

(Sawirro) Madaxweyne Mustafe oo kumanaan shacabka DDS kula tukaday Jigjiga

Caydiid Ali
Taboola Ads ---