Doorashadii Aqalka sare oo ka bilaabatay Jowhar ka dib buuqii xalay hareeyey

Doorsahada xubnaha aqalka sare ku mataya Hirshabeelde ayaa galabta mar kale ka bilaabatay magaalada Jowhar kadib buuq xalay hareeyay baarlamaanka maamulkaas oo sababay in lagu kala dareero.

Qaar ka mid ah Xildhibaannadii codka dhiibanayay ayaa warbaahinta laga arkayey iyaga oo buuq ka samaynaya goobtii codbixinta ka dib markii ay dhamaatay tirinta codadka kursigii lixaad oo ay ku tartamayeen illaa shan musharax.

Guddoonka baarlamaanka Hirshabeelle ayaana sheegay in xubnahaas oo aysan tiradooda sheegin laga mamnuucay kulanka maanta lana  marsiin doono anshaxa, doorashadaduna ay sideedii u sii socon doonto.

Guddiyada doorashada Hirshabelle ayaan go’aan ka gaarin codbixinta kursigii uu shalay buuqa ka kacay, kaasoo sida muuqata dib loo dhigay.

Amaanka xarunta ay ka dhaceyso doorashada ayaa aad loo adkeeyey, iyadoo boolis badan la dhigay, waxaana xildhibaankii fowdo kiciya loogu hanjabay in hoolka laga saarayo.

Kursiga loo tartamayo maanta waxaa ku loolamaya sadex musharax oo kala ah;-

1-Xassan Iidow Maxamed (Kobac)
2-Cusmaan Axmed Macow
3-Cabdi Ibraahim Nuur

La soco wixii soo kordha Insha ALLAH

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -