Xiisadda u dhaxeysa dowladaha Faransiiska, Mareykanka iyo Australia oo meel xun gaartay

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa maalmaha soo socda wada-hadal taleefon la yeelan doona dhiggiisa Mareykanka Joe Biden, xilli ay xiisad diblomaasiyeed ka dhex oogan tahay labada dal ee xulufada ah, waxaas sidaas sheegay afhayeen u hadlay dowladda Faransiiska Gabriel Attal.

France waxay raadin doontaa “sharaxaad” ku saabsan baabi’inta dalab ay Australia ku iibsan laheyd gujisyada Faransiiska, kaasi oo hadda ay ka iibsaneyso Mareykanka, sida uu Attal u sheegay taleefishinka BFM TV.

Dhinaca kale, Australia ayaa maanta difaacday ka bixidda heshiiska gujisyada Faransiiska, waxayna sheegtay in muddo bilo ah ay Paris la wadaageysay walaacyo ay ka qabto, kahor inta aanay heshiis cusub la saxiixan Mareykanka iyo Britain.

“Kama shaleynayo go’aanka aan danta qaranka Australia uga dhigay midda koowaad,” waxaa sidaas yiri ra’iisul wasaare Scott Morrison.

Australia ayaa ka baxday heshiis ay 2016 la gashay shirkadda Faransiiska ee Naval Group ay ugu dhisi laheyd gujisyo, waxayna Khamiistii ku dhowaaqday inay sideed gujis u dhisi doonaan Mareykanka, taasi oo qeyb ka ah heshiis amni oo ay sidoo kale Britain ku bixin doonta taknoolajiyadda.

Tallaabadan ayaa ka carreysiisay France, oo xulufo NATO la ah Mareykanka iyo Britain, taasi oo dhalisay inay u yeerato safiiradeeda Washington iyo Canberra.

Marrison ayaa sheegay inuu dareensan yahay niyadjabka Faransiiska ee baabi’inta dalabka oo lagu qiimeeyey 40 bilyan oo dollar, hase yeeshee wuxuu ku celiyey in Australia ay go’aanadeeda u qaadato si waafaqsan danteeda ugu wanaagsan.

“Tani waa arrrin bilo ka hor aan shaqsi ahaan usoo hadal qaaday, waana ka wada-hadleynat arrintan, ayada oo uu qeyb ka yahay wasiirka difaaca” ayuu yiri Morrison.

Heshiiskan cusub ayaa wuxuu horseeday xasard diblomaasiyad oo ka dhex-qaraxday Washington iyo Paris, taasi oo fallanqeeyayaasha ay sheegeen inuu horseedi karo waxyeelo raagta oo ku timaada isbaheysiga Mareykanka ee Faransiiska iyo Yurub.

Paris ayaa baabi’inta heshiiska ugu yeertay “dhabarka oo laga mindiyeeyey,” ayada oo Wasiirka Arrimaha Dibedda Jean-Yves Le Drian uu sheegay in xiriirkooda Mareykanka uu ‘qalalaase” galay.

Source-VOA

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -