Mareykanka oo ka carooday hadal kasoo yeeray Madaxweynaha Turkiga

Dowlada Mareykanka ayaa ka carootay hadal kasoo yeeray Madaxweynaha dowlada Turkiga Recep Tayyip Erdogan , oo dhawaan weerar afka ah ku qaaday maamulka Israa’iil ee xasuuqa ka wada dhulka Falastiin.

Wasaarada arimaha dibadda dowlada Mareykanka ayaa bayaan kasoo baxay lagu dhaleeceeyay hadalka Madaxweyne Erdogan, waxa ayna Wasaarada sheegtay in Erdogan  adeegsaday ereyo ka dhan ah dadka Yuhuudda.

“Waxaan ugu baaqeynaa madaxweyne Erdogan iyo hoggaamiyeyaasha Turkiga inay ka fogaadaan hadallada naceybka ee horseedi kara qalalaasaha” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka.

Madaxweynaha Turkiga Erdogan oo isniintii Warbaahinta la hadlay ayaa Israa’iil ku sifeeyay dal dilaa ah oo naxariis laheyn, waxa uuna ugu baaqay maamulka Yahuuda in ay joojiyaan daadinta dhiiga shacabka Falastiin.

Erdogan ayaa sidoo kale sheegay in go’aanka dowlada Mareykanka ku shaacisay in magaalada Qudus ay tahay caasimadda Israa’iil ay sare u qaadi karto damaca Israa’iil ay dhiig badan ku daadin karto.

Madaxweynaha Turkiga ayaa ah hogaamiyaha kaliya aan cabsan ee si adag u dhaleeceeya maamulka Israa’iil, waxa uuna marar badan Erdogan weerar afka ah ku qaaday maamulka Yahuuda Israa’iil isagoona garab istaag u muujiyay shacabka Falastiin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -