Allbanaadir.com
NEWS

Jeneraal Odawaa oo Shaaciyay Khasaaraha ka dhashay Howlgal ciidamada Danab ka fuliyeen Buq Aqable

Ciidanka kumaandooska xoogga dalka ee Danab ayaa xalay degaanka Buq Aqable ee gobolka Hiiraan, waxay ka fuliyeen howlgal qorsheysan oo lagu bartilmaameedsaday saldhigii ugu weynaa ee Al-Shabaab ay ku lahaayeen degaankaas.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Gen Odawaa Yuusuf Raage oo lahadlay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa xaqiijiyey in howlgalkaas lagu dilay ugu yaraan 18 dagaalyahan oo ku sugnaa saldhigga ay beegsadeen ciidanka Danab.

Sidoo kale howlgalka waxaa lagu burburiyay saldhigyo, xafiisyo iyo goobo kale oo kooxda Al-Shabaab ay ku lahaayeen degaanka Buq Aqable oo qiyaastii 90 KM Koofur uga beegan magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Al Shabaab ayaan wax war ah kasoo saarin weerarka ciidamada kumaandooska ee Danab la sheegay in ay ka fuliyeen deegaan Buq Aqable oo Al Shabaab saldhig muhiim ah ku leeyihiin

Degaanka Buq Aqable ayaa kooxda Al Shabaab u ahaa mid istaraatiiji ah oo ay kasoo abaabulaan weerarrada iyo qaraxyada ay ka fuliyaan qeybo kamid ah gobolka Hiiraan, waxaana weerarkan imaanayaa xilli Hiiraan ka socdo dagaal ka dhan ah Al Shabaab.

 

Related posts

Weerar culus oo lagu qaaday xarumo Al Shabaab lahaayeen iyo xubno badan oo la dilay

Cabdi Cade

Miinooyin lagu aasay degaano ka tirsan Sh/hoose oo la soo saaray (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Taliban oo beeniyey warar laga faafiey

Caydiid Ali
Taboola Ads ---