Wasiir ka tirsan dowlad Carbeed oo booqashadii ugu horeysay ku tagay Kabul

Wasiirka arrimaha dibedda Qatar Maxamed bin Abdulrahman Al Thani ayaa booqday caasimada Afghanistan ee Kabul wuxuuna la kulmay Mullah Mohammad Miihammad Xasan Akhund oo ah ra’iisul wasaaraha  dowlada cusub ee Taliban.

Wuxuu sidoo kale la kulmay Madaxweynihii hore Hamid Karzai iyo sidoo kale Abdullah Abdullah, madaxa Golaha Dib-u-heshiisiinta Qaranka.

Waa Diblomaasigii ugu horeeyey ee booqasho ku tago Kabul ka dib markii ay ka baxeen milateriga Maraykanka dalka Afghanistan 31kii bishii horre.

Al Thani wuxuu la kulmay tiro saraakiil ah oo ka tirsan dowladda cusub, oo ay ku jiraan wasiirka arrimaha dibedda iyo ku xigeenkooda.

Saraakiisha ayaa ka wada hadlay xaalada siyaasadeed ee hadda ka jirta Afghanistan iyo  dadaallada Qatar.

Qatar waxaa loo arkaa mid ka mid ah waddamada saameynta ugu badan ku leh kooxda Taliban oo 20 sano ka dib la wareegtay xukunka Afghanistan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -