Allbanaadir.com
NEWSSOMALILAND

Nin lagu eedeeyey inuu aflagaadeeyey Muuse Biixi oo xukun lagu riday

Maxkamada gobolka Maroodi-jeex ee magaalada Hargeysa ayaa saaka xukun ku riday gudoomiyaha Garabka dhallinyarada Xisbiga Wadani Maxamed Siddiiq Dhamme oo ku dhowaad labo bilood xirnaa.

Maxamed Siddiiq Dhamme ayaa lagu eedeeyay inuu aflagaadeeyay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, iyadoo Maxkamadu ku xukuntay 6 bilood oo xarig ah.

Xeer ilaalinta Somaliland ayaa Racfaan ka qaadatay xukunka Maxkamadu ku riday Max’ed Siddiiq Dhamme, iyadoo dhinaca kale Xisbiga Wadani ay isku dayayaan iney damaanad ku sii daayaan eedeysanaha.

Shaqsiyaad lagu eedeeyay dambiyo ay ka mid yihiin iney ku kaceen  falal ka hor imaanaya jiritaanka Somaliland ayaa maxkamado hoos taga maamulkaas ay horey xukuno kala duwan ugu rideen.

   Halkan ka Daawo wararka Allbanaadir Online oo Muuqaal ah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Dhaawaca Macalimuu oo loo qaaday dalka dibadiisa iyo Rooble oo Balanqaad sameeyay (Sawirro)

Cabdi Cade

Ma ubaahantahay in Carruurtaada iyo adiguba barataan Quraanka Kariimka ah, Higaadda & Caqiidada islaamka?

Cabdi Cade

Shirkadda Somtel oo abaalmarisay qaar kamid ah Macaamiisheeda (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---