Musharaxiinta isku diiwaan geliyay Doorashada Aqalka Sare ee Hirshabelle oo la shaaciyay (Magacyada)

Waxaa soo idlaaday waqtigii loogu talagalay diiwaangelinta Murashixiinta Aqalka Sare ee dowlad goboleedka Hirshabelle oo sadexdii maalmood ee la soo dhaafay ka socotay Jowhar.

Qoraal ka soo baxay guddiga doorashada Hirshabelle ayaa lagu sheegay in Ilaa hada 27 Murashax ay si rasmi ah isku diiwaangeliyeen kuwaasoo ku tartami doono 8da Kursi ee Taalla Hirshabelle.

Arrintan ayaa ka dhigan in tartanka ay ka baxeen 6 musharax oo ka mid ahaa 33 musharax oo ku soo baxay liiska musharaxiinta aqalka sare ee uu dhowaan shaaciyey Madaxweyne Cali Guudlaawe.

Beri oo Isniin ah musharaxiinta ayaa baarlamanka hirshabelle ka jeedin doona khudbadahooda ololaha doorashada, iyadoo maalinta talaadada ahna ay bilaaban doonto doorashada oo socon doonta muddo 3 cisho ah sida lagu sheegay jadwalka uu horey u soo saaray guddiga doorashada Hirshabelle.

HOOS KA AKHRISO MUSHARAXIINTA RASMMIGA AH EE IS DIIWAAN GELIYEY

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -