Masuuliyiintii Ahlu sunna oo muddo ka dib ku laabtay Galmudug (Maxaa soo kordhay)

Sheekh Maxamed Shaakir ii ahaa madaxii xukuumadii hore ee Galmudug ayaa maanta gaaray magaalada Guruceel ee gobolka Galgaduud.

Waxaa uu degaanka ka maqnaa tan iyo bishii Maarso 2020, ka dib dagaal ciidamada Galmudug iyo xooggagii Ahlu Sunna ku dhexmaray Dhuusamareeb.

Warar kale ayaa sheegaya in Macallin Maxamuud, hogaamiyaha guud ee Ahlu Sunna uu isna galabta ka degay magaalada Gaalkacyo.

Labadan hogaamiye ayaa Galmudug ka baxay kadib dagaal dhiig uu ku daatay oo ka dhacay Dhuusamareeb, waxaana markaa ka dib Meesha ka baxay ciidankii awoodda lahaa ee Ahlu Sunna oo lagu daray ciidanka Galmudug iyo kuwa xoogga dalka.

Lama oga sababta rasmiga ah ee ay labadan hogaamiye hadda ugu soo laabteen Galmudug, inkastoo wararka qaar ay sheegayaan in Shiikh Shaakir uu halkaas u tagay ka qeyb galka siyaaro lagu qabanayo degaanka Huurshe.

Hadal haynta ugu badan ee deegaanada Galmudug ayaa caawa ah imaashiyaha xubnaha sare sare ee Ahlu sunna oo saameyn weyn ku dhex leh gobollada dhexe.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -