Sida laga yeelayo gurigii uu ku dhashay Adolf Hitler oo go’aan laga gaaray (Sawirro)

Dowladda Austria ayaa shaaca ka qaadday in gurigii uu ku dhashay kali taliyihii dalka Jarmalka, Adolf Hitler loo baddalayo saldhig boolis.

Howshan oo la filayo inay soo gabagabowdo sanadka 2023-ka ayaa ayaa la qorsheeyay inay ku baxdo lacag dhan qiyaastii €5m ($5.6m; £4.5m).

Xukuumadda ayaa sanadkii 2016-kii si khasab ah ku iibsatay gurigaas kaddib markii uu xoogeystay muran salka ku haya dhismahan.

Saraakiisha ayaa hadda ku dhawaaqay in guriga la dhalan rogi doono bisha November ee sanadkan, sidaasina uu ku noqon doono xarun rasmi ah oo ay booliska leeyihiin.

Horay ayaa loo sheegay in gurigaas qadiimiga ah laga sameyn doono saldhig ciidan, laakiin imika waxaa la asteeyay waqtiga howshaas la fulinayo.

Shirkad dhismaha ka shaqeysa oo laga leeyahay isla waddanka Austria ayaa qaadatay qandaraaska dhalan rogidda gurigaas caanka ah.

Tallaabadan ayaa la filayaa in lagu joojin doono booqashada ay dadka taageera maamulkii Naaziga ku tagi jireen dhismahan ku yaalla meel u dhow xadka kala qeybiya Jarmalka iyo Austria.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -