Taaliban oo soo saartay Go’aan ka farxiyay Masuuliyiintii iyo Shaqaalaha Dowlada Afganistan

Dagaalyahanada kooxda Taalibaan ee hada maamulaya dalka Afganistan ayaa isku fidinaya lana wareegaya xarumaha muhiimka ah ee ku shaqeeneysay dowlada Afganistan gaar ahaan kuwa kuyaala magaalada Kabul ee caasimada dalkaasi.

Masuuliyiin badan oo katirsanaa dowlada Afganistan iyo shaqaalo dowladeed ayaa isaga cararay dalkaasi kuwaa oo ka cabsi qaba in dhibaatooyin aargoosi ah kula kacaan dagaalyahanada Taalibaan ee awooda dalkaasi la wareegay.

Hogaanka kooxda Taalibaan oo shirar isdaba joog lahaa ayaa la sheegay in ay cafis u fidiyeen masuuliyiinta iyo shaqaalaha dowlada Afganistan, waxa ayna ugu baaqeen shaqaalaha iyo masuuliyiinta in aysan cabsan oo shaqadooda si caadi ah usii wataan.

“Cafis guud ayaa loo fidiyay dhammaan dadka la shaqeenayay dowlada ee isugu jiray masuuliyiinta iyo shaqaalaha caadiga ah, marka waa inaad dib u bilowdaa nolol maalmeedkaaga si weliba ay kalsooni buuxda ku jirta,” ayaa lagu yiri bayaan Taaliban kasoo baxay.

Go’aankan Taalibaan cafiska ku fidisay ayaa waxaa ku farxay soona dhaweeyay masuuliyiin iyo dad badan oo dowlada u shaqeenayay oo wali ku sugan gudaha Afganistan, kuwaa oo cabsi badan ka qabay in lasoo weeraro lana dhibaateeyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -