Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Jaamacadaha kuyaala dalka Afganistan oo dhaqan geliyay Amar kasoo baxay Taalibaan

Kooxda Taalibaan ee la wareegtay talada dalka Afganistan ayaa soo saartay amaro cusub oo laga hirgalinayo dalkaasi, waxaana amarada Taalibaan hada bilaabay in ay dhaqan geliyaan Jaamacadaha dalkaasi kuyaala.

Jaamacadaha kuyaala dalka Afganistan qaarkood ayaa hada bilaabay in wiilshada iyo gabdhaha fasalada wada dhigta meel kala gooni ah fariistaan sidoo kale waxaa loo sameeyay xeyndaab Daah lagu xiray.

Sawirro lasoo qaaday ayaa lagu arkayay wiilashada iyo gabdhaha oo markii hore fasal wada fadhin jiray hada loo sameeyay xeyndaab suurto galinaya in aysan is arag balse hal Macalin uu cashar u wada dhigo.

Kooxda Taalibaan ee la wareegtay talada dalka Afganistan ayaa hada dalkaasi ka hirgalineysa shareecada islaamka, waxa ayna mamnuuceen in meel wada joogaan raga iyo dumarka ajnabiga kala ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://youtu.be/KKWMQZb5NRU

Related posts

Golaha shacabka oo kulan yeeshay & dooda qodob xasaasi ah oo bilaabatay

Caydiid Ali

Sacuudiga oo war kale oo yaab leh ka soo saaray dilka saxafiga Jamal Kashoqgi

Caydiid Ali

Somaliland oo amaro adag kusoo rogtay Musharaxiinta ku guuleestay Doorashada

Cabdi Cade
Taboola Ads ---