Farmaajo oo la kulmay Taliyaha Cusub ee NISA iyo Warar sheegaya in uu…

Warar hoose oo laga helayo xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegaya in xalay Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo la kulmay Taliyaha Cusub ee NISA  Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe).

Kulankan ayaa ahaa mid albaabada u xirnaayeen oo saxaafada laga qariyay ayaana wali la ogeyn waxa ay uga wada hadleen Madaxweyne Farmaajo iyo Taliyaha Cusub ee saacado kahor loo magacaabay Hay’adada NISA Bashiir Goobe.

Madaxweyne Farmaajo ayaa horey u diiday xil ka qaadistii Taliyihii hore ee NISA Fahad Yaasiin iyo magacaabista taliyahan cusub, lamana oga ilaa hada ujeedka Madaxweyne Farmaajo ka lahaa la kulanka taliyaha NISA uu diidanaa magacaabistiisa.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in suurto gal tahay in Madaxweyne Farmaajo oo cadaadis dhinacyo kala duwan ka imaanaya uu saaran yahay in uu aqbalo magacaabista Taliyaha cusub ee NISA iyo shaqo ka joojintii Fahad Yaasiin.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa si weyn uga carooday ugana hor yimid shaqo ka joojin Ra’isul Wasaare Rooble ku sameeyay taliyihii hore ee Hay’adad NISA oo la rumeesan yahay in uu yahay milkiilaha dowlada uu hogaamiyo Farmaajo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -