Allbanaadir.com
NEWS

Xamse Barre oo uga mahadcelisay Qatar saddex dhinac oo ay ka taageerto DFS

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Qatar u fadhiya Soomaaliya, Dr Abdullah Bin Salem Al Nuaimi, iyada oo kulanka diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada dal.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xamse Barre, ayaa uga mahadceliyey Dowladda Qatar taageerada ay siiso dowladda  Soomaaliyeed ee dhinacyada amniga, kaabayaasha dhaqaalaha iyo horumarinta adeegyada asaasiga ah.

Dhankiisa, Danjiraha Qatar ee Soomaaliya, Mudane Abdullah Bin Salem Al Nuaimi ayaa xusay in ay sii wadi doonaan taageerada dhinacyada kala duwan leh, ee ay mar walba la garab taagan yihiin Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Dowladda Qatar ayaa kamid ah dowladaha sida weyn u taageera Soomaaliya, waxa ayna Qatar dalka ka fulisay mashjaariic kala duwan oo horumarineed sida dhismaha wadooyin, waxa ay sidoo kale dowladda ku taageertaa dhaqaale kala duwan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dil caawa ka dhex dhacay Masjid ku yaala magaalada Muqdisho

Caydiid Ali

Dagaal & qaraxyo caawa ka dhacay Magaalada Muqdisho qeybo ka mid ah

Caydiid Ali

Hannaanka tirakoobka dadka iyo guryaha Soomaaliya oo la Daah-furay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---