Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Taalibaan oo ka hadashay Haween Xaamilo aheyd oo lagu eedeeyay in ay dileen

Dagaalyahano katirsan kooxda Taalibaan ayaa lagu eedeeyay in gobolka Ghor ee dalka Afganistan dil u geesteen haweeneyn xaamilo aheyd oo horey uga tirsaneed ciidanka booliiska dowladii bur burtay .

Goobjoogayaal ayaa warbaahinta u sheegay Banu Negar, oo aheyd xaamilo in lagu dhax dilay gurigeeda xili ay la joogtay xubno katirsan qoyskeeda, dilkan ayaana argagax iyo cabsi badan ku abuuray dadka deegaanka.

Afhayeenka kooxda Taalibaan Zabiullah Mujaheed oo warbaahinta la hadlay ayaa beeniyay in kooxda Taalibaan ka dambeeyeen dilka haweeneyda booliiska aheyd, waxa uuna sheegay in baarayaan cida dilkaasi fulisay.

“Waan ka warqabnaa dhacdadan lagu dilay Banu Negar waxaanan xaqiijinayaa in kooxda Taalibaan aysan dilin, baaritaankayagu wuu socdaa waana soo gudbin doonaa natiijada”. ayuu yiri Afhayeenka Taalibaan.

Dilkan loo geestay haweeneydan katirsaneed booliiska Afganistan ayaa kusoo aadaya xili kooxda Taalibaan lagu eedeeyay in caburin ku heyso haweenka, waxa ay sidoo kale kooxdan balan qaaday in aargoosi dhici doonin lana cafiyay dadkii katirsanaa dowladii hore.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://youtu.be/diVW8YjHq4I

Related posts

Xamaas & Islamic Jihad oo diiday qorshe halis ah oo ay hor dhigtay dowlada Masar

Caydiid Ali

Askar ka tirsan AMISOM oo lagu dilay qarax & Al-Shabaab oo ka hadashay

Caydiid Ali

Sagaal arrin oo ay eegeyso maxkamadda ugu sarreysa Kenya si ay u kala saarto Ruto iyo Raila

Cabdi Cade
Taboola Ads ---