Allbanaadir.com
NEWS

Mid kamid ah Wasiiradii uu Magacaabay Muuse Biixi oo si lama filaan ah isku casilay

Baashe Cawil Xaaji Cumar oo dhawaan Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi u magacaabay Wasiir kuxigeenka arimaha Dibadda Somaliland ayaa xilkaasi ka cudur daartay in uu qabto.

Qoraal uu soo saaray Baashe Cawil oo horey u ahaa Wakiilka Somaliland ee dalka Kenya ayuu ku sheegay in uu iska casilay xilka Wasiirnimo ee loo magacaabay iyo sidoo kale Wakiilninadii Kenya, waxa uuna ka codsaday Madaxweynaha in uu ka aqbalo is casilaadiisa.

Halkan ka Akhriso Qoraalka Baashe isku casilay

Mudane Madaxweyne anoo xiganaya Wareegtadaada summadeedu tahay
JSL/XM/XKQ/222/1-708/092021 kuna taariikhaysan 02/09/2021, waxaan halkan kuugu soo gudbinayaa qoraalkan aan iskaga casilayo xilka aad iigu magacawday Wasiir-Xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Sidoo kale waxaan iska casilay xilkii Wakiilnimada Xafiiska Somaliland Ee Dalka Kenya, kaas oo bishii August 13 2018 aad ii magacowday.

Waa sunnaha siyaasida in shaqada qaranku tahay qori isku dhiib, sidaad darteed sharaf weyn ayay ii ahayd xilka aan qarankankayga u hayay uguna addeegayay lixdii sanadood ee aan ahaa Wakiilka Somaliland u matalaya UAE iyo Kenya.

Ugu dambayntii waxaan rajaynayaa in aad iga aqbasho codsiga aan halkan kuugu soo gudbiyay.

ALLAA MAHAD LEH.
Baashe Cawil Xaaji Cumar.

 

 

Related posts

Xildhibaanno katirsan Galmudug oo la ganaaxay iyo Falal ay ku kaceen oo la cadeeyay (Akhriso)

Cabdi Cade

Muuse Biixi oo Weerar afka ah ku qaaday Dowlada Qadar 

Cabdi Cade

Ciidanka Danab oo sheegay iney 50 dagaalyahan & Sarkaal sare ka dileen Al-Shabaab

Caydiid Ali
Taboola Ads ---