Allbanaadir.com
NEWS

Pakistan oo dayuurado Drones ah ku weerartay India

Pakistan ayaa wax yar ka hor ku weerartay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn bartilmaameedyo ku yaalla gudaha Hindiya , iyadoo qaraxyo laga maqlay garoonka diyaaradaha Jammu, sida ay warisay Reuters.

Pakistan waxay adeegsataa diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Turkiga, wuxuuna u muuqdaa weerarkan in looga jawaabayo, weerar ay maanta Hindiya u adeegsatay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo ay ku beegsatay bartilmaameedyo ku yaalla gudaha Pakistan, balse saraakiisha Pakistan ayaa sheegay inaysan wali dhicin jawaabta Pakistan ee weerarrada ay Hindiya ka geysatay Pakistan.

Waxaa badan suurtagalnimada 48 saac ee soo socota ay Pakistan ku qaadi karto duullaan ay uga jawaabayso weerarrada Hindiya, xilli mar horaba ay Pakistan khasaare baaxad leh gaarsiisay Hindiya oo ay ka soo riday diyaaraddo, sidoo kalena ay ka dhishay 50 Askari , 15 rayid ah iyo boqollaal ay madaafiic ku dhaawaceen ciidanka Pakistan oo sidoo kale gacanta ku dhigay askar ka tirsan ciidanka milatariga Hindiya, sida uu xaqiijiyay wasiirka warfaafinta Pakistan.

Sirdoonka Mareykanka ayaa xaqiijiyay in diyaaradaha Pakistan ee J-10, ay soo rideen dhowr diyaaradood oo ay lahaayeen ciidanka cirka Hindiya oo ay ku jiraan diyaaradaha jiilka 4.5 ee Rafale, sida ay wakaaladda wararka ee Reuters, ka soo xigatay labo sarkaal oo Mareykan ah. Horey sirdoonka Faransiiska ayaa u xaqiijiyay inay Pakistan soo riday diyaaradaha Rafale ee Faransiiska uu soo saaro.

Illaa hadda Hindiya, waxay ku dhibtoonaysa inay ka soo kabato fadeexada ay ka wajahday iska horimaadka ay kula jirto Pakistan oo ay ka dhalatay in diyaaradihii casriga ahaa ee ay dhulka dhigeen ciidanka Pakistan.

Related posts

Prof. Dalxa oo sheegay in la dulmiyey, loona diiday tartanka kursigiisa Xildhibaanimo

Caydiid Ali

Saameyn intee le’eg ayuu Coronavirus ku yeelan karaa Dhaqaalaha & ganacsiga Somalia?

Caydiid Ali

Midowga Yurub iyo Britain oo walaac ka muujiyey talaabo ay qorsheyneyso Israel

Caydiid Ali
Taboola Ads ---