Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ciidanka Danab oo sheegay iney 50 dagaalyahan & Sarkaal sare ka dileen Al-Shabaab

Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay iney weerar  ku dileen ku dhawaad 50 dagaalyahan oo ka tirsanaa Al-shabaab oo uu ku jiray sarkaal sare oo ka tirsanaa kooxdaas.

Dagaalkan ayaa la sheegay inuu galinkii dambe ee shalay ka dhacay Tuuladda Buulalow ee hoostagta degmada Afgooye.

Saraakiil ka tirsan ciidanka Kumaandoska Danab ayaa sheegay in ragga dagaalkaas lagu laayey uu ku jiray madaxiui howl-galinta Al-shabaab u Qaabilsanaa gobolka Shabellada dhexe.

Ciidamada Danab ayaa sarkaalka la dilay waxay magaciisa ku sheegeen Cismaan Ciil Fiidow.

Saraakiisha kumaandoska waxay sheegeen in meydadka dagaalyahanada iyo sarkaalkii la dilay lagu aasay xabaal wadareed ku taalla tuulada Buulo-Yarey Shiiqaal.

Weerarkan ayaa u muuqda inuu jawaab u ahaa weerar kale oo habeen hore Al-shabaab ku soo qaadeen degaanka Buulalow ee duleedka Afgooye kaasoo lagu dilay askar ka badan 15 oo ka tirsan ciidamada xoogga dalka, kuwaasoo yy ku jiray sarkaal sare.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasiirada Caafimaadka Britain oo ku dhacay Caronavirus iyo cabsida oo sii korortay

Cabdi Cade

Qoys Iiraani ah oo lacag badan ka dhacay Muwaadin Somali oo daaweyn u joogay Hindiya

Cabdi Cade

Qoor Qoor oo la kulmay Madaxweynihii ka horeeyay iyo waxyaabihii ay kawada hadleen

Cabdi Cade
Taboola Ads ---