Allbanaadir.com
NEWS

Muuse Biixi oo Weerar afka ah ku qaaday Dowlada Qadar 

Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa ku eedeeyay Dowlada Qadar in ay cadaw ku tahay Horumarka  Somaliland iyo heshiiska ay la galeen Shirkada DP World ee laga leeyahay dalka Imaaraatka.

Wareysi uu bixiyay Madaxweynaha Somaliland ayuu ku sheegay in wax xiriir ah dhinac kastaba ahaatee aysan la laheyn dowlada Qadar, waxa uuna taa badalkeeda sheegay in Xiriir wanaagsan oo soo jireen ah kala dhaxeeyo Dowlada Imaaraatka Carabta.

Madaxweynaha Somaliland ayaa ku si feeyay dowlada Qadar mid cadaw ah ku ah Somaliland ayna ka xun yihiin heshiiska maalgashiga Dekeda Berbera ee la galeen Shirkada DP World.

” Qadar wax xirii ah lama lihin kumana noola Soomaali badan, Imaaraatka iyo Sacuudiga ayaa ah dalalka xiriirka soo jireenka ah aan la leenahay kuna nool yihiin hantiilayaal badan oo Soomaali ah, Qadar waxa ay cadaw ku tahay Heshiiska maalgashi aan la galnay DP World ” Ayuu yiri Muuse Biixi.

Maamulka Somaliland ayaa dhawaan heshiis sadex geesood ah la gashay Shirkada DP World iyo dowlada Itoobiya, waxaana heshiiskaasi waxba kama jiraan ku tilmaantay dowlada Federaalka, halka Bartalamaankana uu shirkada DP World dalka ka mamnuucay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada Kenya oo War kasoo saartay Eedeymaha uga imaanaya dowlada Soomaaliya

Cabdi Cade

Talaabadii lagu riday Xukuumadii Khayre oo lagu tilmamay afgembi aan dhiig ku daadan

Cabdi Cade

Ogeysiis: Deeqda Waxbarasho ee Hormuud usoo bandhigtay Ardayda Soomaaliyeed

Cabdi Cade
Taboola Ads ---