Allbanaadir.com
NEWS

Madasha WUF12 oo laga furay Qaahira & Somalia oo..

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Labbaad ee Dalka Cabdisalam Cabdi Cali (Dhaay) ayaa magaalada Qaahira ee caasimadda Dalka Masar kaga qeyb galaya Kulanka 12aad ee madasha magaalooyinka Adduunka WUF12 oo ay soo qaban qaabisay Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan dejinta Aadanaha (UN-Habitat).

Wasiirka Howlaha guud iyo Guriyeenta Cilmi Maxamuud Nuur iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale(Madaale) ayaa qeyb ka ah wafdiga Somalia uga qeyb galaya shirkaas.

Shirka ayaa diirada lagu saari doonaa dejinta yoolalka horumarinta waara, magaalaynta, xakameynta caqabadaha hadda jira ee caalamiga ah ee saameeya nolol maalmeedka dadka kor u kaca kharashka nolosha, isbeddelka cimilada, la’aanta adeegyada aasaasiga ah iyo colaadaha adduunka ka socda.

Shirkan oo uu furay Madaxweynaha dalka Masar Cabdifatax Al-Siisi ayaa lagu qabanayaa qaaradda Afrika  20 sano kadib markii la aas aasay sanadkii 2002-kii

Madasha Magaalooyinka Adduunka (WUF) waxaa aasaasay Qaramada Midoobay 2001 si ay u baarto mid ka mid ah arrimaha ugu daran ee maanta adduunku wajahayo: magaalaynta degdega ah iyo saamaynta ay ku leedahay bulshooyinka, dhaqaalaha iyo isbedelka cimilada.

Labaatankii sano ee la soo dhaafay, Madashu waxay u xuubsiibtey shirka caalamiga ah ee ugu horeeya ee ku saabsan magaaleynta waarta.

Waxaa soo qabanqaabisay oo ay qabatay barnaamijka dejinta aadanaha ee Qaramada Midoobay (UNHabitat), Shirkan waa mid ka mid ah shirarka caalamiga ah ee loo dhan yahay ee arrimaha magaalooyinka.

Related posts

Caro xoogan oo ka dhalatay dad Muslimiin ah oo lagu sooray Hilib Doofaar

Cabdi Cade

Jubbaland oo soo saartay Amar ku socda Hay’adaha iyo Hoteelada Kuyaalla Deegaanadeeda

Cabdi Cade

Ciidamadii Ahlu Sunna ee ka baxay Guriceel oo lacago loo qeybiyay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---