Maxey kawada Hadleen Madaxweyne Deni iyo Danjiraha Sacuudiga u jooga Kenya

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa magaalada Nairobi kulan kula qaatay danjiraha Sacuudiga u fadhiya magaalada Nairobi ee dalka Kenya Ambassador Dr. Mohamed Abdulghani khayaad.

Madaxweyne Deni iyo Ambassador Dr. Mohamed Abdulghani ayaa ka wadahadlay xoojinta xiriirka Ganacsi ee ka dhexeeya maamulka Puntland iyo Sacuudiga, gaar ahaan sidii xoolaha Puntland loo geyn lahaa suuqyada Sacuudiga,.

Waxa ay sidoo kale labada dhinac kawada hadleen sidii Sacuudiga gacan uga geesan lahaa  horumarinta mashaariicda Puntland u baahantahay iyo in ganacsatada Sacuudigu maalgashi ka sameeyaan gudaha dalka, gaar ahaan Puntland.

Madaxweynaha Puntland oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya ayaa halkaasi kulamo kala duwan kula qaatay masuuliyiin iyo safiiro dalkaasi u jooga qaar kamid ah wadamada Caalamka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -