Afduub salka ku haya dilkii Ikraan Tahliil oo bilowday iyo Digniino laga soo saaray

Waxaa maanta magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ka dhacay afduub loo geestay nin dhalinyaro ah oo la sheegay in uu ku heyb yahay Taliyaha Hay’adda Nabad Sugida Soomaaliya Fahad Yaasiin.

Dabley hubeesan oo kasoo jeeda Beesha Ikraan Tahliil oo Afduub iyo dil lagu tuhmayo NISA loo geestay ayaa qafaashay wiilkan dhalinyarada ah, waxa ayna dableydan sheegeen in afduubkan la xiriiro kiiska dilka Ikran Tahliil ay ku eedeeyeen Fahad Yaasiin.

Muuqaal baraha bulshada lagu baahiyay ayey Dableydan ku hanjabeen in ay afduubayaan ayna beegsanayaan dadka ku heybta ah Fahad Yaasiin , waxa ayna sheegeen dableydan in mudo ka warsugayeen in Ikraan la helo balse markan talaabo qaadayaan.

Wiilka dhalinyarada ah ee la afduubtay ayaa muuqaal ay kasoo duubeen kooxdan ku sheegay in isku qabiil yihiin Fahad Yaasiin balse wax aqoon ah isku laheyn, waxa uuna u sheegay in uusan isagu cidna dambo ka gelin.

Musharaxiin, Xildhibaano iyo siyaasiyiin ayaa ugu baaqay dableyda afduubka geesatay in ay sii daayaan wiilka dhalinyarada ah , waxa ayna ka codsadeen waxgaradka iyo dadka kasoo jeeda Beesha Gaaljecel in aan waxyeelo la gaarsiin dad aan dambi laheyn.

Dilka Ikraan Tahliil ayaa abuuray xaalada siyaasadeed kadib markii hay’adda NISA oo kiiskan lagu tuhmayay shaacisay in gabadhaasi dileen Al Shabaab ,balse waxaa warkaasi iska fogeeyay kooxda Al Shabaab oo sheegtay in shaqo ku laheyn dilka gabadhaasi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -