Dadkii ugu badnaa oo hal maalin u dhintay Cudurka Carona iyo tirada dhimashada oo korortay

Dalka Shiinaha waxaa ka taagan xaalad adag oo ka dhalatay cudurka halista ah ee ka dilaacay qeybo kamid ah dalkaasi, waxaana cudurka Caronavirus hada noqday mid kusii faafaya dalka Shiinaha iyo wadamo kale.

Cudurka Caronavirus ayaa maalintii talaadada gobolka Hubei ee dalka shiinaha ku dilay 242-qof , waxaana tiradan ay noqotay tii ugu badneyd oo maalin qura u dhintaan cudurka halista ah ee Caronavirus  .

Gobolka Hubei gaar ahaan magaalada Wuhan ayaa ah halka uu ka dilaacay cudurka Carona, waxaana gobolkan ku sugan dadka ugu badan uu haleelay cudurka Carona oo hada la tacaalidiisa ay ku adkaatay dowlada Shiinaha.

Arinta walaaca badan ku abuurtay dowlada Shiinaha ayaa noqotay 242-qof ee talaadadii u dhintay cudurka Carona ay ku jiraan 135-qof oo cudurkan laga daweenayay , waxaana hada sii adkaanaya in dadka uu cudurkan haleelay in ay soo kabtaan.

Cudurka Caronavirus ayaa ku dhacay dad gaaraya 60,264 qof , waxaana inta hada la xaqiijiyay cudurkan u geeriyooday 1,367-qof , waxaana jirta cabsi badan oo laga qabo in ay sii kordhaan tirada dadka u dhimanaya cudurkan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -