Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ilhaan Cumar oo si rasmi ah u shaacisay iney kala tagayaan seygeeda Axmed Xirsi

Xildhibaan Ilhaan Cumar oo Congress-ka Maraykanka ku metasha gobolka Minnesota ayaa dacwad furitaan ah ka gudbisay seygeeda Axmed Xirsi

Ilhaan iyo Axmed waxay isguursadeen sanadkii 2000 waxayna kala tageen sanadkii 2008, waxayna dib isugu laabteen sanadkii 2018-kii.

“Xiriirkeena guur waxa uu u burburay si aan ka soo kabasho la hayn,” sidaasi waxaa lagu sheegay dacwadda ay maxkamadda Minnesota u gudbisay Ilhan Cumar.

Waxay Ilhan sheegtay inay raadinayso sharci ilaalinaya carruurta waxayna maxkamadda weydiisatay inay u ogolaato goob sharciga waafaqsan oo si wada jir ah loogu hayo saddexda canug ee ay isu dhaleen.

Ilhan oo noqotay gabadhii ugu horreysay ee Muslim Xijaab xiran ee loo doorto Congress-ka Maraykanka ayaa lagu xamanayey mudooyinkan inuu xiriir jaceyl kala dhexeeyo nin cadaan ah oo ka mid ah gacan yaraasheeda kaasoo lagu magacabo Tim Mynett.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Xisbullah oo talaabo culus qaadeysa Maalmaha soo socda

Caydiid Ali

Gudoomiye Xasan Shiikh Maxamuud oo lagu dilay qarax gaarigiisa loogu xiray (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Dugsiga Amiin Quran Online oo Fursad qaaliya u haya Qurbajoogta Soomaaliyeed iyo Carruurtooda

Cabdi Cade
Taboola Ads ---