Madaxweyne Deni oo Garawe ku laabtay iyo Axmed Karaash oo wax kasoo dhaweeyay (Sawirro)

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Wafdi uu hoggaaminayo, ayaa siweyn loogu soo dhoweeyay maanta magaalada Garoowe, isagoo kasoo laabtay safar uu ugu maqnaa dalka Kenya.

Soo dhaweynta Madaxweyne Deni waxaa ka qeyb galay kuxigeenkiisa Axmed Karaash oo muddooyinkii dambe khilaaf kala dhaxeeyay balse si hoose loo xaliyay iyo masuuliyiin kale oo katirsan labada golle ee maamulka Puntland.

Madaxweynaha ayaa ka hadlay guud ahaan xaaladda dalka gaar ahaan Doodashadii Madaxweynaha JFS ee dhowaan ka dhacday Muqdisho, isagoo sheegay in Puntland ay ku faraxsantahay Doorashada iyo siday u dhacday nabadna ugusoo dhammaatay.

Deni ayaa xasuusiyay Bulshada Puntland in markasta oo Doorasho dhacdo dadku is qoonsado, Balse reer Puntland Sidii lagu yaqaanay waa inay hore uga socdaan, laysna cafiyaa oo aan dib la eegin.

Madaxweynaha Puntland ayaa ka maqnaa deegaanada maamulkiisa muddo bil ku dhaw, waxa uuna inta badan ku sugnaa magaalada Muqdisho uu kaga qeyb galay tartanka doorashada Madaxweynaha uu ku guuleestay Madaxweyne Xasan Sheekh.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -