Madaxweynihii hore ee Somalia oo Baaq kasoo saaray kiiska Dilka Ikran Tahliil

Waxaa sii kordhaya siyaasiyiinta cambaareeneysa sidoo kale shakiga galineysa sida uu u dhacay dil la sheegay in loo geestay Ikraan Tahliin oo ahayd Sarkaal u shaqeyneysay hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka.

Hay’adda Nabad Sugida Soomaaliya ayaa qoraal ay soo saartay ku shaacisay in Ikraan Tahliil dilkeeda ka dambeeyeen kooxad Al Shabaab, hasa ahaatee waxaa warkaasi si adag u beenisay kooxda Al Shabaab oo cadeesay in aysan shaqo ku laheyn dilka Ikraan.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in kiiska dilka Ikran uu hareeyay mugdi iyo shaki laga qabo dhinacyada ku lugta leh, waxa uuna ku baqaay in baaris madax banaan lagu sameeyo.

Kiiskan waxaa hareeyay mugdi iyo shaki laga qabo dhinacyada ku lugta leh, sidaas darteed waa in baaris madaxbannaan lagu sameeyo. Lama aqbali karo in tuhmanayaashu garsoorayaal ka noqdaan.” ayuu yiri Xasan Sheekh.
 
Dilka loo geestay gabadhan ka tirsaneyd Hay’adda Nabad Sugida ayaa lagu tuhmayaa in ay ka dambeeyeen xubno katirsan NISA, waxaana siyaasiyiin badan ugu baaqeen Ra’isul Wasaare Rooble in xilka ka qaado taliska NISA laguna sameeyo baaris kiiskan.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
- Advertisement -