Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Cali Guudlaawe oo indhihiisa ku soo arkay khasaaraha dabkii Suuqa Jowhar (Sawirro)

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen oo maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Jowhar ee Caasimada Dowladda Hirshabeelle ayaa booqday goobihii ganacsiga ee ku gubtay dabkii xalay ka kacay qeybo kamid ah Suuqa Magaalada Jowhar.

Cali Guudlaawe ayaa kuurgalayay khasaaraha xoogan ee uu geystay dabkii xalay isagoo dul istagay dukaamo iyo ganacsiyo kale oo uu baabi’iyay dabka.

Waxa uu sidoo kale Ganacsatada u diray fariin ka turjumeysa sida uu uga xun yahay khasaaraha kasoo gaaray dabka.

Cali Guudlaawe Xuseen ayaa guddi soo qiimeeya inta ay la egtahay khasaaraha hantiyeed u saari doono xaalada suuqa Magaalada Jowhar.

Related posts

Kooxo hubeysan oo dilay Axmed Tahliil iyo Faah Faahino kasoo baxaya dilkaasi

Cabdi Cade

Tirada dadka ku dhintay musiibo ka dhacday goob lagu caweeyo oo korortay

Cabdi Cade

Xaflad sagootin ah oo loo sameeyay ardayda ka baxday sanadkan Jaamacadda Jazeera (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---