Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamada Qadar oo sameeyay Dhoolo Tus Cajiib ah soona bandhigay Awoodooda (Daawo Muuqaal)

Dalka Qadar ayaa siwayn Looga Dabaal-dagay Munaasibad 18-December Taasi oo ku beegan Markii la Aasaasay Dawladda Qatar, Iyadoona Munaasabada laguĀ  soo Bandhigay Awooda Ciidamada kala duwan, ee Cirka, Dhulka iyo Badda kuwaasi oo isugu jira Qaybo kala duwan, Waxayna Gaar-dis ku mareen Wadooyinka waawayn.

Amiirka dalka Qatar Sheekh Tamim Bin Xamad Al-thani iyo Madaxda kala duwan Dawladda Qatar ayaa goob joog u ahaa Munaasibadan, Waxaana sidoo kale kasoo Qayb galay Madax iyo Masuuliyiin ka socday Safaaradaha Caalamka ee ka howlgala Dalka Qatar, Kuwaasi oo Shacabka iyo Dawladda Qatar ugu Hambalyeeyay Munaasibada 18-ka Diicmebar.

Dabaaldegan iyo Dhoolatuska Balaadhan ay soo Bandhigtay Dawladda Qatar ayaa wuxuu kusoo Beegmayaa Xili Dhowaan Dawladaha Sucuudiga, Imaaraadka iyo Masar ay Xidhiidhka Diblumaasiyeed u jareen dalka Qadar, Iyadoona Wixii markaasi ka dambeeyay Dawladda Qatar ay Xooga saartay inay Gaadho isku Filnaasho Buuxa dhinackastaba, Taasi oo keentay inaan dalka laga dareemin Culaysyadii la doonayo inuu Wajaho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wararkii ugu dambeeyey Khasaaraha qaraxii ka dhacay Maqaayada Blue Sky

Caydiid Ali

Wariye Caan ah oo katirsanaa Idaacada VOA oo xalay Muqdisho ku geeriyooday

Cabdi Cade

Dalladda Bulshada Bariga Africa: Codsiga Xubinnimo ee Soomaaliya

admin
Taboola Ads ---