Qorshe Aag Amaan ah looga sameyn lahaa Kabul oo socda iyo Turkiga oo taageeray

Qaar kamid ah dowladaha waa weyn ee Yurub ayaa wada qorshe ay ku doonayaan in aag amaan ah looga sameeyo magaalada Kabul ee caasimada dalka Afganistan xili halkaasi ay maamulayaan kooxda Taalibaan.

Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron ayaa sheegay in dalkiisa iyo Britain qaban doonaan Shir looga xaajoonayo sidii deegaan ammaan ah looga samayn lahaa magaalada Kabul, si loo oggolaado inay Hawlgaladiii Samafalka u sii socdaan.

Dowlada Turkiga oo hada ciidamo ka joogaan magaalada Kabul ayaa soo dhaweesay qorshahan ay wado dowlada Faransiiska ee aaga amaanka ah looga sameenayo magaalada Kabul xili ay ciidamada Shisheeye ka baxayaan Kabul.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Turkiga, Mevlut Cavusoglu ayaa sheegay inay taageersan yihiin qorshaha Faransiiska ee samaynta aag ammaan oo ay QM maamulayso in laga sameeyo caasimada dalka Afganistan ee Kabul .

Waxa uu sidoo kale sheegay Wasiirka arimaha dibadda Turkiga in dalkooda soo dhaweenayo sameynta aaga amaanka iyo sidoo kale in Qaramada Midoobay Afganistan u dirto ciidamo nabad ilaalin ah.

Kooxda Taalibaan ee la wareegtay talada Afganistan ayaa hada maamusha magaalada Kabul marka laga reebo garoonka diyaaradaha oo joogaan ciidamo Mareykan ah iyo kuwa Turki ka socda, Mareykanka ayaan ala filayaa in ugu dambeyn beri halkaasi ka baxaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -