Gubitaanka xaruntii Bisha Cas ee Baardheere oo si kulul loo cambaareeyay

Guddiga Caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas (ICRC) iyo Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed (SRCS), weerarkii lagu gubay xarunta Bisha Cas ku leedahay magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo.

Xaruntan waxaa maalintii sabtida aheyd dab qabadsiiyay koox careesan uu hogaaminayay nin la sheegay in laga eryay shaqada Bisha Cas, dabka ayaana baabi’iyay xarunta Bisha Cas oo adeegyo caafimaad siin jirtay dadka ku dhaqan Baardheere.

Halkan ka Akhriso Qoraal Wadajir ah ay soo saareen ICRC iyo SRCS

 

Guddiga Caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas (ICRC) iyo Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed (SRCS) waxa ay aad uga xunyihiin weerarkii Sabtiga lagu qaaday xuranta caafimaadka Baardheere ee gobolka Gedo ee Soomaaliya. Dabka oo ay qabadsiiyeen dibadbaxayaashu, ayaa baabi’yay xarunta caafimaadka ee SRCS iyada oo ay sidoo kale sadex shaqaalaha ka mid ah ku dhaawacmeen dhacdadaas.

“Sadexdeena saaxiib ayaa ka soo kabanaya dhaawacyada soo gaaray. Waxa aan qiimeyneynaa waxyeellada soo gaartay xarunta caafimaadka laakiin burburka ayaa aad u ballaaran. Dabka ayaa gabi ahaanba baabi’yay xarunta caafimaadka iyada oo ay damintiisuna saacado qaadatay.“  ayuu yiri Axmed Maxamed Cadale, agaasimaha SRCS.

Muuqaal kore oo kaliya ayaa ka soo haray xarunta caafimaadka oo celcelis ahaan sameyn jirtay 2000 oo baaritaano ah bishiiba. Dhacdadan ayaa sidoo kale carqaladeysay howlaha labada hey’adood oo ay ku jiraan shaqooyinkii muhiimka ahaa ee xarumaha caafimaadka ee guur guura kuwaas oo uu qalabkoodii dabka ku baaba’ay.

“Tani waa wax aan la aqbali karin! Qoysaska iman jiray xarunta caafimaadka ayaa hadda ku qasban in ay meelo kale daryeel caafimaad u raadsadaan. Ma jirto sabab loo weerari karo xarun ama shaqaale caafimaad.” Ayuu yiri Juerg Eglin, Madaxa ICRC-da Soomaliya.

Helitaanka daryeel caafimaad ayey wali dhibaato ka jirtaa gudaha Soomaaliya iyada oo ay inta badan xarumaha caafimaadku ku yaalaan goobo aysan bulshada badankeedu gaari karin. Kaliya 15 boqolkiiba oo ah dadka ku nool miyiga ayaa la qiyaasayaa in ay helaan daryeel caafimaad, arintan oo ah caqabad ay uga sii daraan colaadaha iyo dhibaatooyinka cimillada ee socda.

Xarunta caafimaadka Baardheere waxaa la furay sanadkii 2000 waxaana maamula 19 shaqaale caafimaad ah. Xarunta ayaa la ballaariyay sanadkii 2018 waxa ayna bixisaa adeegyo caafimaad oo bilaash ah oo ay ku jiraan daryeelka bukaan socodka, barnaamijka nafaqeynta iyo sidoo kale bartilmaameedka quudinta dheeriga ah si qoysaska loogu caawiyo in ay ka hortagaan nafaqo darrida caruurta. Xaruntan caafimaad ayaa ka mid ah 29 xarun caafimaad oo ay Soomaaliya ku leedahay Laanqeyrta Cas oo ay ICRC-du taageerto.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -